ABDUU

Saturday, 13 January 2018 10:53

Haweenka Sacuudiga Oo Markii Ugu Horreysay Daawaday Ciyaar Ka Dhacday Magaalada Jeddah Iyo Isbedelo Waayayn Oo Laga Daremayo Buqortooyada Sucuudiga

13/1/2018 (BNN)  Dalka Sacuudi Carbiya ayaa markii ugu horreysay waxa haweenka loo ogolaaday in ay goob joog ka ahaadaan oo ay daawadaan ciyaaraha kubadda cag ee ka dhacaya garoomada dalkaasi.

Haweenka ayaa soo buux dhaafiyay garoon ku yaalla magaalada Jeddah Jimcihii shalay si ay u daawadaan ciyaar halkaasi ka dhacaysay.

Waxa ay arrintani qayb ka tahay isbadaladda uu wado dhaxalsugaha dalkaasi Maxamed Binu Salmaan.

Haweenkan ayaa waxa ay fadhiyeen kuraas loogu talagalay qoysaska.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee King Abdullah oo ku yaalla magaalada Jeddah
Inkastoo ay kala soocnaayeen ragga iyo dumarka ku wada sugnaa garoonka ciyaarta lagu daawanayay hadana waxaa lagu tilmaamay tillaabo muhim ah oo ay qaaday boqortooyada sacuudiga.

Lamya Khaled Nasser, oo 32-jir ah kana mid ah dadka xiiseeya ciyaaraha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in ay aad ugu faraxsan tahay.

"Arrintani waxa ay muujinaysaa in aan u jihaysanay mustaqbal barwaaqaysan ,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goob joog ka ahaado isbadalka balaaran ," ayay u sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Dalka Sacuudiga ayaa dhowaanahan si qunyar socod ah u ogolaanaya in dumarka ay helaan xuquuq dheeraad ah taas oo jawaab u ah dalabaadka dadka u dooda xuquuqda dumarka.

Markii ugu horreysay bisha June ee soo socta haweenka Sacuudiga ayaa loo ogolaan doonaa in gawaarida ay kaxeeyaan,isbadalkaasi oo lagu dhawaaqay bishii September.

Sidoo kale, Sacuudiga wuxuu isbuucan marti gelin doonaa tartankii ugu horeeyay ee dumar ay wada ciyaaraan.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree