borama 250x250

ABDUU

Saturday, 13 January 2018 14:29

Deg Deg Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Wareegto Ku Magacaabay Musuuliyiin Cusub Tirada Masuuliyiinta La Magacaabay Iyo Xilalka Loo Magacaabay

13/1/2018 (BNN) 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/XM/WM/222-22/012018,uu ku magacaabay Afar Agaasime.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:


In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

1.Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

2.Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

3.Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

4.Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree