ABDUU

Saturday, 13 January 2018 14:44

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi + Tirada Wasiirada La Ansixiyay Iyo Tiradooda

13/1/2018 (BNN) Magacyada Tiro Wasiiro Ah Oo Maanta Golaha Wakiilada Somaliland Ay Ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka ansixiyay hormadii koowaad ee golaha wasiirada Somaliland.

Fadhiga golaha wakiilada oo ay saaka ka soo xaadireen 61 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah loogu codeeyay wasiirada taas oo wasiir walba markiisa gacanta loogu taagayay inta ogol iyo inta diidanba.
Golaha wasiirada Somaliland ee saaka la ansixiyay ayaa ka koobnaa toban
Wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen.
Waxaanay kala ahaayeen wasiirada iyo wasiir ku-xigeenada saaka la
ansixiyay sidan:-
Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed
Wasiirka Boostada & Isgaadhsinta Dr. Cabdiwali Sheikh Cabdillahi Jibril
Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashid Xaaji Ducaale
Wasiirka Arimaha Bulshada Hinda Jaamac
Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheikh Khalil Axmed
Wasiirka BiyahaSaleeban Yusuf Cali Koore
Wasiirka Caafimadka Dr. Xasan Ismacil Yusuf Warsame
Wasiirka Xananada Xoolaha & Kaluumeysiga Xasan Gaafadhi
Wasiirka Horumarinta Maaliyada Yusuf Maxamed Cabdi Raage
Wasiirka Waxbarashada Yaasin Xaaji Maxmuud Xiir "Faratoon”
Wasiir ku-xigeenka wasaaradaas, Maxamed Muuse Abees
Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Yurub Abiib


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree