LOGO3ABDUU

Saturday, 13 January 2018 15:28

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed Oo Shaaciyay Xiliga Rasmiga Ah Ee Uu Qabsoomi Doono Shirkii Nabadeynta Iyo Horumarinta Muqdisho

13/1/2018 (BNN)  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa maanta shaaciyay xilliga uu dib u furmayo shirka nabadeynta iyo horumarinta Muqdisho oo baaqday 7dii Bishan.

Guddoomiye Thaabid ayaa sheegay in SHirkaas uu Muqdisho ka furmayo 28ka Bishan January,islamarkaana sidii loogu talagalay uu u qabsoomayo.

Shirkan waxaa uu Duqa Muqdisho horay ugu shaaciyay in uu furmayo 7 Bishan hayeeshee dib ayuu u dhacay iyada oo ay soo baxeen warar sheegaya in shirkaas uu ka dhashay khilaaf madaxda dhexdeeda ah.

Dalladda Jilaayasha aan Dowladiga ahayn ee SOSCENSA ayaa dhawaan ku baaqday in shirkaas sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto islamarkaana looga hadlo danta Muqdisho.

Guddoomiyaha Dalladdaas ayaa sheegay in iyaga ay hayaan talooyin badan oo amniga iyo nabadda magaaladan lagu gaari karo ayna doonayaan in ay ka sheegaan shirka Nabadeynta Muqdisho.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree