LOGO3ABDUU

Saturday, 13 January 2018 15:39

Taliyaha Ciidanka Gaarka Ah Ee Dawlada Fadaraalka Somaliya Ee Lagu Magacabo Danab Oo Sheegay In Ay Bur Buriyeen Saldhiggii Al-shabab ee Leego

13/1/2018 (BNN)  Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu taliyaha ka yahay ee Danab ay bur buriyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Saldhigga ayuu sheegay in uu ku yaallo degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo AL-shabaab ay maamulayeen tan iyo Bishii August ee Sanadkii hore.

Howlgalka Taliye Axmed Cabdullahi sheegay in ay fuliyeen jimcihii kuna beegsadeen Saldhigga Al-shabab ee Leego,halkaas oo uu sheegay in ay ku dileen 10 ka mid ah Al-shabaab.

Ma jirto ilo ka madaxbanaan Dowladda oo sheegaya in Ciidamada dowladda ay saldhig Al-shabab ku leeyihiin Leego lagu bur buriyay.

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa labaduba fuliya weerarro gaadmo ah oo dhinacyada ay isku qaadaan,waxaana dhinaca kasta ku faanaa in uu dhibaato u geystay dhinacii kale.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree