ABDUU

Saturday, 13 January 2018 22:54

Deg Deg: Geerida Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Ka Tirsanaa Ururka Daacish Oo La Shaaciyay Iyo Dalka Uu Ku Dhintay

13/1/2018 (BNN) Dalka Suuriya waxa 29kii bishii Desember ee sanadkii 2017kii ku geeriyooday Xuseen Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa carruurta uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Xuseen ayaa sanadkii 2013kii ka tagay magaalada Hargeysa iyadoo wakhtigaasi la sheegay in uu ku biiray ururka DAACISH ama ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaraddeed.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree