ABDUU

Tuesday, 13 February 2018 12:43

Mudaharaadyo Cusub Oo Lagaga Soo Hor Jeedo Dawlada Itoobiyo Oo Laga Soo Sheegay In Ay Ka Socdaan Gobolka Oromiya Iyo Waxyaabaha Ay Salka Ku Hayaan

13/2/2018 (BNN) Dad dawladda ka soo horjeeda ayaa saddex maalmood oo mudaharaado ah ka wada gobolka ugu wayn Ethiopia ee Oromiya, kuwaas oo dalbanaya in la sii daayo dhamaan siyaasiyiinta iyo warfidiyeenkii la xidhay intii ay socdeen rabshado dalkaa ka dhacay laba sano ka hor.

Wadooyin badan ayaa la xidhay meheradaha ganacsiguna waa la xayiray markii shalay Isniintii uu bilaabmay mudaharaadku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in dhamaan eedaymihii lagu soo oogay siyaasi mucaarad ah oo aad loo yaqaan oo la yidhaa Bekele Gerba la yidhaa la laalay kuwaas oo ahaa kicin dadweyne iyo horseed qalalaase.

Sannadkii 2016-kii ayaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka waxaana la xidhay tobanaan kun oo dad bannaan baxayey ah.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree