ABDUU

Tuesday, 13 February 2018 14:36

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Shaacisay In La Daah Furay Wajiga 1aad Ee Tirinta Shaqaalaha Dawlada Iyo Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Ka Hadlay

13/2/2018 (BNN) Munaasabadan Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa shalay daah furay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha, mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, Xafiiska RW iyo madaxtooyada, in ka badan 150 shaqaalle oo laga soo diray hey’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka howlgalka mashruucan wajiga koowaad ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda loo idmaday.

Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa faah faahin iyo sharaxaad dheer ka bixiyay hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS ayaa yiri ” wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriira sida go’aanka shaqaaleynta,”.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay jiraan Shirkad madax banaan oo ku guuleysatay fulinta Barnaamijkan oo logu magacaabo ASAL oo kaashanaya Bank Aduunka WB.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in hirgelinta tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha hey’adaha dawladda federaalka uu qeyb ka ahaa waajibaadka shaqo ee wasaaradda shaqada, waxuuna si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan u gudo gelaya waajibaadkii shaqo ee uu faray wasiirka.

“Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan, waxaan maanta inoo bilaabmaya aqoon isweydaarsigii lagu heli lahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda ” Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda shaqada.

Wasiir Saalax ayaa guud ahaan Shaqaalaha hey’adaha Dawladda ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay’adda tababarka shaqaalaha oo uu heshiis laba geesood ah dhex maray, lana rajeynayo in shaqaalaha aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa mooyee.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree