ABDUU

Tuesday, 13 February 2018 14:53

Dawlada Maraykanka Oo Somaliland Ku Cambaaraysay Xadhiga Ay Kula Kacdo Dhalinyarada Kala Duwan Ee Ku Nool Gudaha Somaliland

13/2/2018(BNN)Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay xadhigga Maamulka Somaliland u geystay wiil iyo Gabadh lagu  xidhay Magaalada Hargeysa.

 Somaliland ayaa xidhay Gabar lagu magacaabo Naciimo Axmed Ibraahim (Qorane) iyo Maxamed Keyse Maxamuud,kuwaas oo Somaliland u heysato in ay aaminsanyihiin aragtida Somaliweyn.

Labada Qof ee dhallinyarada ah ayaa ka soo jeeda degaannada Somaliland waxaana Naciimo ka mid tahay dhallinyarada gabya ee jecel midnimada Soomaaliya halka Keyse Somaliland ku heysato buug uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku bogaadinayay.

US

 

 

 

 

 

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya war ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku cambaareysay xadhigga dhallinyaradaas waxaana xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay ilaaliso xorriyadda hadalka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

 

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree