Tuesday, 13 February 2018 23:37

Wasaarada Amniga Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Ka Hadashay Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaare Ka Dhashay Qaraxaasi

13/2/2018(BNN) Qaraxaan ayaa ka dhacay isgoyska KM4; dhanka Degmada Waaberi, waxaana ku geeriyooday hal qof oo la sheegay in uu garaacayey walax qaraxda, halka saddex kalan ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Mustaqbal Radio; ayaa sheegay in ay Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira nuuca uu ahaa qaraxa iyo halka uu ka keenay shaqsiga uu ku qarxay.

Waxa uu intaa ku daray in gurmad ay u sameeyeen dadkii dhaawaca soo gaaray, ayna geeyeen Goobaha Caafimaadka si loogu baxnaaniyo.

Afhayeenka ayaa Sheegay in ay wareysteen dadka goob joogo u ahaa, Hay’adaha Ammaankana ay soo gudbin doonaan Natiijada kasoo baxda Baaritaanadooda.

Goob joogayaal ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Qofka qaraxa garaacayay, isla markaana ku geeriyooday uu kamid ahaa dhalinyarada Darbi jiifta ah ee ku sugan Aagagaarka Aargada KM4.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree