ABDUU

Wednesday, 14 February 2018 09:17

Booliska Maamul Goboleedka Galmudug Oo Shaqo Joojin Ku Dhawaaqay Iyo Cabashooyin Ay Soo Bandhigeen Oo Ay Dawlada Ugu Beeqaan In Loo Fuliyo

14/2/2018 (BNN)Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo Askar gaareysa 575, kana howl gala Saldhigyo gaaraya 17 ayaa sheegay in Muddo dheer aanan helin Mushaaraad, Gunno, Daryeel iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin in lagu taageero.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhowrkii sano aanan arag xuquuqaadkooda ka maqan, isla markaana ay waayeen cid kala hadasha hadii ay ahaan lahaayeen Madaxda sar sare Dowladda federaalka, Galmudug iyo Taliska Booliiska.

48 saac ayey u qabteen in looga jawaabo Cabashadooda, maadaama ay sheegeen in dhibaatada heysata ay muddo u sabrayeen, duruufo kala duwanna ay kusoo shaqeeyeen sida ay hadalka u dhigeen.

Waa ay sii hadleen waxa ayna Dalbadeen in aanan la dhayalsan Cabashadooda, iyagoona xusay in ay habeen iyo Maalin u shaqeynayeen sidii ay ugu hortagi lahaayeen falalka Amniga liddiga ku ah.

Saraakiishaan ayaa sheegay in ay tababar ku qaateen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, tan iyo Xiligaasina aanan helin Xuquuqda Waajibka ku ah Dowladda, dhankoodana ay gudanayeen Waajibaadka saaran.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree