ABDUU

Monday, 16 April 2018 09:48

Madaxwaynaha Dalka Ciraaq Fu'aad Masuum Oo Sheegay In Ay Dawlada Ciraaq Dawlada Fadaraalka Somaliya Ka Caawinayso La Dagaalanka Alshabaab

16/4/2018 (BNN) Madaxweynaha dalka Iraq, FU’AAD MASUUM ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo isku arkeen Shirweynihii 29-aad ee Madaxda Dowladda Carabta ee shalay lagu qabtay magaalladda DHAHRAAN ee dalka Sacuudiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Iraq oo ay Wakaalladda Wararka ee Qaeanka Iraq ee the Iraqi National News Agency (NINA) ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Iraq carrabka ku dhuftay inay Somalia u fidin doonaan dhamaan wixii Taageero ah Dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo soo-celinta Deganaanshaha Somalia iyo Mandiqada, waa sida uu hadalka u dhigay.
Labada Madaxweyne waxay kaloo ka wada hadleen qaababka loo xoojin karo Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ammaanka ee u dhexeeya labada Waddan.

Dhinaca kale, Nadaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Xiriirka Walaaltinimo ee Somalia iyo Iraq, wuxuuna ku baaqay in la ballaariyo Iskaashigaasi, gaar ahaan sidii Dowladda Iraq looga faa’ideysan lahaa Khibradooda Milliteri iyo Sirdoonka, si looga guuleysto Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BormaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree