Monday, 16 April 2018 10:03

AKHRISO:- Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo War Saxafadeed Ka Soo Saartay Khilaafka Ka Dhex Aloosan Somaliya Iyo Dalka Imaaraadka Carabta Ka Dib Shirkii Sucuudiga

16/4/2018 (BNN) War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aya lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xidhiidhka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka lagu soo celin lahaa loona xallin lahaa ismaan dhaafka labada dowladood.

Kaddib markii 8dii Bishan April dowladda Federaalka ah ay Magaalada Muqdisho ku qabatay diyaarad sidday Lacag dhan $9.6Milyan oo doollarka Mareykanka waxaa cirka isku shareeray xiriirka labada dowladood.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in xidhiidhka labada dal caadi lagu soo celiyo islamarkaana waxaa dowladda Imaaraadka looga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada kale ee ay ka waddo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ismaan dhaafka labada dowladood yahay mid laga gudbi karo iyada oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in labada dowladood ay wadaagaan xidhiidh Taariikhi ah,mid dhaqaale,Amaan iyo xiriirro kale oo badan.

Waxaa kale oo lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya,waxaana ay dowladda Soomaaliya sii jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ayaa loogu mahad celiyay beesha Caalamka dadaalka ay ugu jirto dib u soo celinta dowladnimada,amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

saxa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree