ABDUU

Monday, 16 April 2018 17:25

Xukuumada Muuse Biixi Oo Bilawda Ugaadhsiga Dhilinyarada Baraha Bulshada Ku Dhaliila Muuse Biixi Iyo Xukun Lagu Riday Wiil Bartiisa Facebook Ku Dhaliilay Muuse Biixi

16/4/2018(BNN) Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada Magaladaas ay Maanta xukun ku riday Maxamed Keyse Bigeeye oo Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xeer Ilaalinta Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa Maxamed Keyse Bigeeye waxa ay ku eedeysay in Bartiisa Facebook uu ku soo qoray Erayo ay ka mid ahaayeen,Muuse Biixi waa Local,taas oo sababtay in Xasbiga la dhigo.
Mudo ayaa la sheegay in uu Maxamed Keyse Bigeeye ku jiray Xasbiga Hargeysa,waxana Maanta lahokeenay Maxkamada,iyada oo Maanta lagu Xukumay Sanad iyo Lix Bilood.

Maxamed Keyse Bigeeye ayaa hadda kahor loo xiray in uu Buug ka qoray Waxqabadka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Buugaas oo uu ugu magacdaray(Tusaalaha Guusha)

Sikastaba xukunka Xabsiga ah ee Maanta lagu riday Maxamed Keyse Bigeeye ayaa daba socda Xukun Saddex Sano ah oo shalay lagu riday Abwaanad Naciimo Abwaan Qorane oo lagu eedeyey in ay ku dhaqaaqday fal lidi ku ah qaranimada Soomaaliland.


Xafiiska Wararka BoramNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree