borama 250x250

ABDUU

Monday, 16 April 2018 17:59

Saraakiisha Imaraadka Ee Somaliya Ku Tobobarijiray Ciidama Oo Ka Baxay Somaliya Iyo Ciidamadii Ay Tabobari Jireen Oo Bililiqaystay Agabkii Yaalay Xeradii Lagu Tobabarijiray

16/4/2018(BNN) Saraakiishii tababarayaasha ahaa eek u sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu xumaaday xiriirii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii ay horay u tababareen Imaaraadka ay ka warheleen bixitaanka Saraakiisha Imaaraadka,isla markaana ay bilaabeen in ay boobaan Agab ay lahaayeen Saraakiisha Imaaraadka,sida Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka iyo Gaadiid kale.

Dad ka agdhow Xarunta Tababarka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay arkayeen Ciidamo wata Agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xarunta ay ku lahaayeen Degmada Hodan.
Tallaabada ay uga baxeyn Saraakiisha Imaaradka eek u sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale dhawan ka baxeyn Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso wallow Madaxweyne Cabduweli Gaas uu Maanta beeniyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree