ABDUU

Monday, 16 April 2018 22:05

Dawlada Imaaraadka Carabka Oo Albaabada Iskugu Dhifatay Isbitaalkii Sheekh Sayid Ee Magaalada Muqdisho Oo Laga Maaalgainjiray Dalka Imaaraadka carbata

16/4/2018(BNN) Sida lagu daabacay Wareyska Alceyn Imaaraadka ayaa goor dhow ku dhawaaqay in gabi ahaanba albaabada la iskugu dhuftay isbitaal weyn oo uu Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu aad usii xumaaday xiriirka ka dhexeeyay labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Somalia kadib markii dowladda Somalia ay ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah
Ku dhawaaqista Imaaraadka ee xiritaanka Isbitaalka weyn ee Sheekh Zayed ayaa kusoo beegmeysa xilli ay si rasmi ah dowladda Imaaraadka u shaacisay inay joojisay taageeradii iyo caawinaadii milatari ee ay siin jirtay Somalia.

Goor sii horeeysay Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka eeMuqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree