Monday, 16 April 2018 22:29

Kooxo Hubaysan Oo Caawa Dil Ka Gaystay Degmada Boondheere Ee Gobolka Banaadir Iyo Masuuliyiinta Degmadaasi Oo Ka Warbixiyay Dalkaasi +Magaca Qofka La Dilay

16/4/2018(BNN) Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Seynab yuusuf Wehliye, ayaa faahfaahisay dil Caawa ka dhacay meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal ee Magaalada Muqdisho.

Dilka waxaa geystay dhalinyaro Hubeysan, waxeyna 4 Xabadood qeybta sare ee Jirka kala dheceen Marxuum lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo) oo ahaa Wiil dhalinyaro ah oo Studio ku leh Degmada, Marxuumka la dilay ayaa xiligaas waxa uu ku shaaheynayay irida Goobtiisa Ganacsi.

Marwo Seynab yuusuf Wehliye, Waxey sheegtay in dableydii dilka geysatay ay usuura gashay iney goobta ka baxsadaan, waxeyna Ciidamada amniga sameeyeen baaritaano aan la sheegin in wax dad ah lagu soo qabtay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay ay wada socon jireen Dhalinyarada ka tirsan Ciidanka Nabad SUgida ee ka howlgasha Degmada Boondheere.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkan dib ugu soo laabtay Dilalka qorsheysan oo ay geystaan Raga Bistooladaha wata ee beegsada Askarta iyo Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Hay’adaha.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree