borama 250x250

ABDUU

Tuesday, 17 April 2018 10:54

Taliska Ciidamada Xooga Dalka Oo Waxba Kama Jiraan Ku Timaamay Warar Sheegay In La Bililiqaystay Xurnta Tobabarka Ee General Gordan

17/4/2018 (BNN) Ka dib warar been Abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta ka howlgasha magaalada muqdisho oo ay ku sheegeen in ciidamo ka tirsan xoogga dalka soomaaliya ay bililiqeesteen xarunta tababarka general gordan ayaa waxa arintaasi ka hadlay taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Taliyaha Hogaanka siyaadsada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid sheikh cali Xaydar oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka ay baahiyeen Idaacadaha muqdisho isla markaasine uu maanta xerada uu booqday abaandullaha ciidanka xoogga dalka

G/sare Cabdi xamiid sheikh cali xaydar waxa uu dhanka kale beeniyay in ciidamada xoogga dalka uu iska hor imaad uu ku dhax maray gudaha xerada waxa uuna xusay in macalimiinta tabarayaasha iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay hada ku sugan yihiin gudaha xerada general gordan
Taliyaha hogaanka siyaada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka waxa uu tilmaamay in sharciga ay la tiigsan doonaan warbaahinta Baahisay warkaasi been ah

Xarunta dugsiga tababarka ee general gordan ayaa ka mid ah goobaha lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BormaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree