Tuesday, 17 April 2018 11:54

Dawlada Qadar Oo Dawlada Fadaraalka Somaliya Ugu Deeqday Deeq Gaadiid Ah Iyo Nuuca Gadiidka iyo Tirada Gaadiidka Looga Deeqay Somaliya +SAWIRO

17/4/2018(BNN) Dowladda Qadar ayaa maanta 30 Gaadiidka waaweyn ee Basaska ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ah.

Mas’uuliyiin ka kala socda Gobolka iyo Dowladda Qadar ayaa Gaadiidkan Basaska ah ku kala wareegay Gudaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ee ka qeybgalay Munaasibadda ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab joogto Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 17 ka mid ah Gaadiidkan leh iyada oo inta soo hartay loo qeybinayo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Gaadiidkan waxaa adeegsanaya Dowladda hoose ee Muqdisho,waxaan Basaska dhaadheer,iyada oo horay sidan oo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Gaadiid uga helay Waddamada Imaaraadka,Turkgiga iyo kuwo kale oo taageera Dowladda Federaalka ah.

QD1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

QD2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

QD3

 

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree