ABDUU

Tuesday, 17 April 2018 14:21

Alshabaab Oo Sheegtay In Ay Dagaala Kula Wareegeen Deegaanka Qooqaani Ee Degmada Afmadaw Ee Gobolka Jubada Hoose Iyo Jubaland Oo Ka Aamustay

17/4/2018 (BNN) Dagaal Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaal kula wareegtay degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaankaas iyaga oo halkaas kula dagaallamay Ciidamada Maamulka Juballand iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa degaankaas.

Waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Maamulka Jubaland ay dagaalka kaddib aadeen degaan duleedka ka ah Qooqaane oo uu ku yaallo saldhig ay halkaas ku leeyihiin Ciidamada Kenya.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca maamulk Jubaland oo la xiriira sheegashada Al-shabaab ee ah qabsashada degaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Al-shabaab ayaa intaas raaciyay in ay dab qabadsiiyeen saldhigga ay kala wareegeen Ciidamada Jubaland ee degaanka Qooqaani oo ah halka lagu dagaallamay maanta.

Ciidamada Juballand iyo kuwa Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaallamay degaanno waqooyiga ka xiga Magaalada Kismaayo oo ay ka mid tahay degaanka Buulo Guduud,halkaas oo uu khasaare badan kala gaaray dhinacyada ku dagaallamay.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree