borama 250x250

sugar

ABDUU

Wednesday, 13 June 2018 18:03

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod Oo Kormeeray Saldhiga Ciidamada Ee Baar-Sanguun Iyo Waxyaabaha Uu Kala Soo Kulmay

13/06/2018(BNN) Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah AL-shabaab.
Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan qarax ismiidaamin ah lagu weeraray wallow laamaha ammaanka ay sheegeen in ay fashiliyeen.

Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tababaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree