borama 250x250

ABDUU

Thursday, 14 June 2018 05:40

Shacabka Awdal Oo Si Wayn Ugu Baraarugay Falanqaynayana Sobobta Jaamacada Amoud University Dagaalka Tukaraq Loogu Xidhay Iyo Hadalhaynta Shacabka Oo...

14/07/2018 (BNN) Tan iyo markii uu gudoomiyaha Xisbiga UCID uu Jaamacada Camuud soo dhexgaliyay dagaalka Beelaysan ee Tukaraq waxaa isa soo taraya baraarug aan abid laga dareemin shacabka Galbeedka.

Goobaha lagu kulmo ee baraha bulshada iyo suuqyada ayaa waxaa hadhaysay hadalhaynta Jaamacada Camuud,waxaana muuqata in Shacabka Borama iyo guud ahaan deegaanadaasi si wayn isha ugu hayaan waxa socda iyo Jaamacada Camuud.

Shacabka Borama ayaa bilaabay inay booqashooyin iyo soo dhawayn kal iyo laab ah u fidiyaan shacabka Koonfurta kasoo jeeda gaar ahaan dhalinyarada Puntland ee ku nool Borama.

Jacaylka iyo walaaltinimada shacabka Borama u muujiyeen dhalinyarada Puntland ayaa sii xoogaysatay waxaana dhalinyaro sidirtay iskeed booqashooyin kala go,lahayn ugu tageen dhalinyarada Puntland iyagoo tabinaya fariin cad oo ah Borama waa gurigiinii waxaan qabno ayaaad nala qabaysaan hadalkii Faysal Cali Waraabena ka raaligaliyay.

Lexejeclada Shacabka Borama ka qabaan Jaamacdooda iyo shacabka lanool ayaa ah mid si wayn usoo jiidatay oday xasan Cumar oo ka mida ganacsatada Borama oo Boramanews u sheegay in shacabka Borama yihiin Soomaali dhab ah oo dhankooga looga soo dhacaynin Somalinimada iyo Islaanimada ay kula noolyihiin dadka dhulkooga usoo doontay deegaan iyo waxbarashoba.

Jaamacada Camuud Waa Jaamacad shacabku leeyihiin waxaana shacabku muujiyeen inay diyaar u yihiin inay fashiliyaan cadowkasta oo shirqool usoo maleega,cidkastana way u furan tahay Inay gacmo furan kusoo dhawaadaan guud ahaan gobolka Awdal.

Cabdiraxman X Xasan (SUUL)

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree