ABDUU

Thursday, 14 June 2018 14:53

Deg Deg: Ciidamada Somaliland Oo Rasaas Ku Riday Haweenka Magaalada Laascaanood Khasaaro Tiro Badan Oo Dhacay iyo Mudaharaad Gilgilay Magaalada

14/06/2018(BNN) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dhaawacay dhowr qof oo dumar ah.

Sidda ay BoramaNews u xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Magaalada Laascaanood Ciidamada ayaa Xabado ku furay dumar la sheegay in ay iibinaayeen qaad.

Ciidamada falkaan geystay ayaa ka tirsan ciidamada xoogga Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada iyo Haweenka ayaa waxaa soo gala dhexgalay Khilaaf, waxaana taasi ay sababtay in ciidamada Somaliland ay furaan xabado.

Banaabax ballaaran oo looga horjeedo dhaawaca haweenka ayaa la sheegay in hada ay ka socdaan Magaalada Laascaanood.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree