borama 250x250

ABDUU

Thursday, 14 June 2018 15:53

[AKHRISO] Xaalada Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Oo Ay Maanta Rabshada Ka Dheceen Iyo Haween Ku Dhaawacmaay Rabshadaha Dhacay+SAWIRO

14/06/2018(BNN) Waxaya ahayd abaaro 9:30 Am ayaa bartamaha suuqa magaalada Laascaanood ka bilowday rabshado kuwaa oo sababay in Laba dumar ah uudhaawac soo gaadhey kadib markii ciidamada maamulka Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen suuqa weyn ee magaalada Laascaanood.

Goob-joogayaal ayaa ii sheegay in rabshadu bilaabatay kadib markii ay is af dhaafeen askar Somaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah.

“Laba baabuur ayaa suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen ciidamada Somaliland kadib wiil baabuur wata ayaa soo ag istaagey naga dhaqaaq ayay dhaheen wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen shacabkii suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, ayuu yiri goob-jooge magaciisa diidey inaan xuso.

Labadan hablood ayaa magacyadoodu kala yihiin: Sacdiya Xirsi Cabdilaahi iyo Shugri Cabdilaahi Ducaale waxaana hadda lagu dabiibayaa Cusbitaalka Manhal .

Shacabka ayaa markii danbe qaarkood lasoo baxeen qoryo ku waasoo rasaas ridey iyaguna waana ta sababtay in ciidamadii Somaliland yaacan iyagoo ka cararay hal qori oo nooca AK47 ah iyo agab kale oo ay kamid yihiin kabo kuwa askarta ah oo qaar kamid ah askartu haleeli waayeen inay qaataan.

Laba qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey Cusbitaalka adeega wacan ee Lasanod Manhal Hospital a waxaana la ii sheegay in wax looga qaban kari waayey magaalada loona baahday in la qaado hase ahaatee muran xoogan ayaa ka taagan meesha loo qaadayo.

Dadka shacabka ah ayaa isku gadaamey xarunta caafimaad ee lagu dabiibayo labada qof kuwaasoo sheegay in dhaawaca loo qaadayo magaalada Garoowe, halka maamulka Somaliland uu ku adkaysanayo in loo qaado Hargeysa.

Dhinaca kale , Waxaa jira iyana kacdoon xoogan oo dhinaca shacabka kuwaa oo markii danbe isu bedelay in laamiyada la gubo .

 LA1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LA2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LA3

 

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree