ABDUU

Sunday, 17 June 2018 14:25

Xogo Cusub Oo Ka Soo Baxaya Khilaafka Ka Dhex Aloosan Shirkada Dp World Iyo Dalka Jabuuti Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Ka Soo Baxay Xaasada Jabuuti Iyo Dp World

17/06/2018(BNN) Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa beenisay warar sheegaya inay isku dayeyso inay dowladda Jabuuti heshiis ka baxsan maxkamadda kala gaarto muranka la xidhiidha maamulka dekadda Dooraleh.

DP World ayaa Jabuuti la kortay maxkamad, kadib markii ay ka baxday heshiis ay horey ula gashay shirkaddan Imaaraatiga ah oo la xiriira maamulka dekadda Dooraleh.

“Waxaa wararka qaar lagu sheegay in DP World ay ka fakareyso in heshiis ka baxsan maxkamadda ay Jabuuti kala gaarto, go’aankii sharci-darrada ahaa ee ay kula wareegtay maamulka Doraleh” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay DP World.

Afhayeen u hadlay DP World ayaa sheegay in heshiiska ogolaansho uu weli meel yaallo, islamarkaana tallaabooyinka ay qaadday dowladda Jabuuti la geeyey maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhaaxdinta ee London.

“Waxaan sugeynaa natiijada ka dhalata arrintan, waxaana naga go’aan inaan ka howlgalno dekadda Doraleh sida ku cad heshiiska, mana sameyn doonno wax taas ka baxsan” ayuu yidhi afhayeenka DP World.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horey u sheegay inuu heshiiska ka baxay kadib markii uu ogaaday in DP World aysan daacad ka ahayn horumarinta dekadda Doraleh, balse ay dooneyso inay wiiqdo, iyada oo u daneyneysa dekadda Jabal Ali ee Dubai.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree