borama 250x250

ABDUU

Wednesday, 11 July 2018 14:57

Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Balaadhan Oo Hubka Dhigis Ah Oo Laga Fuliniyo Magaalada Gaal Kacyo Oo Ay Fulinayaan Ciidamo Isku Dhaf Ahi

11/07/2018(BNN) Puntland ayaa sheegtay in magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho inay ka bilaabeyso hawlgal hub ka dhigis ah, kaasi oo ay sameynayaan Ciidanka isku dhafka ah ee magaaladaasi ka hawlgala.

Gudddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Mudane Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahaasi hada uu diyaar yahay dhawaana lagu dhaqaaqi doono.

Wuxuu sheegay in Saddex bilood gudahood magaaladan aanan lagu arki doonin Qof iska wata isaga oo aan aheyn askari sidoo kalena aanan u diiwaangashaneyn Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala magaaladaasi.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si ay u hirgasho hawlgalkan cusub ee maalmaha soo socda bilaabanaya.

Magaalada Gaalkacyo dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaalo ay ku daateen dhiig badan, balse hada magaalada waxa ay tahay mid ka caagan dagaal.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree