LOGO3ABDUU

Thursday, 20 April 2017 03:10

DAAWO YAABKA:Ciidamo Gaar Ah Oo Ruushku Leeyahay Oo Geesiyaal Ah Oo Loogu Magacdaray Somali battalion Iyo Taliyahooga Oo Ku Macneeyay Manaxayaal Sooma Jeestayaal Ah.......

20/4/2017 (BNN) Dagaalamayaasha taabacsan Raashiya ee haatan gacanta ku haysa Gobalka Donetsk ee dalka Ukraine ayaa sheegtay inay u dagaalamayaan sidii Dagaalamayaasha Soomaalida oo kale.

Taliye Deegaan oo lagu magacaabo Mikhail Tolstykh, kuna sugan Degmadda Ilovaisk ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka ay u socdaan Dhacdooyinka Dagaalka.
Taliyahaasi oo 34-jir, horeyna u ahaan jirey Dareewal ayaa waxaa lagu naanaysaa Taliye Givi, wuxuuna xusay inaysan Ciiddanka Ukraine marnaba soo gelin Deegaankiisa
Isagoo la hadlayey Wargeyska Wararka Toddobaadka ee NEWSWEEK ayuu  sheegay inay 107 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda Ukraine oo wata Hal Madfac ku sugan yihiin Gacanka, kuwaasi oo taageero ka hela Taliye lagu naanayso Motorola iyo qaar ka mid ah Dagaalyahano Jejniyiin ah.
Mar wax laga weydiiyey Xeelladaha ay Dagaalamayaashiisa ku dagaalamaan waxa uu tilmaamay inuu Ciiddankiisa ugu magac daray Guutadda Soomaalida “Somalia Battalion”.
Wuxuuna naanaystaasi ku muujiyey inay Soomaalida geesiyiin ku yihiin Dagaalka, taasi ay keentay inay Ciiddankiisa isku magacaabaan Guutadda Somalia.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com

 

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree