LOGO3ABDUU

Thursday, 20 April 2017 03:39

Itoobiya Oo Cabsi Soo Foodsaaray Wafti Degdegana U Dirtay Masar Kadib Markii Masaaridu Saldhig Balaadhan Oo Milateri Ka Heleen Dalka Eratria +VIDEO

20/4/2017 (BNN) Kadib markii uu soo baxay saldhig Milateri oo ciidamadda Masar lagu soo daabulayo dalka Eratriya ayaa wafti wasiiro ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu ka degay dalka Masar,waxaana uu si toosa wadahadal ula yeesheen wasiirka arimaha dibada Masar Sameh Shoukry iyo Madaxwayne Sisi.

waftii

Waftiga Itoobiya ayaa warbaahinta Masar fariin toos ah uga gudbiyay shacabka Masar sheegayna inay waligeed Itoobiya Cadow ku ahayn Masar isla markaana biyo xidheenka Itoobiya dhaawacaynin shacabka iyo dalka Masar,waxaan diyaar u nahay inaan inigala shaqayno in aan iniguqancino talaabo kasta oo labada dal iskusoo dhawaynaya horumar keenaya ayuu wasiirka arimaha dibada Itoobiya shacabka Masar warbaahinta uga gudbiyay.

Socdaalka waftiga Itoobiya ayaa lagu sheegay mid lama filaan ahaa kadib markii Itoobiya kacdoonka dalkeeda ku eedaysay dawlada Masar kuan sheegtay shirqool shisheeye usoo maleegeen.

Dhanka kale wargaysyada Carabta iyo Sudantribune ayaa cadeeyay in Masar saldhig milateri ka heshay dalka Eratria Sucuudiga iyo Emaratkuna ka caawiyeen,isla markaana guul u tahay in Masar danaheega ka ilaashato wadanka Eratria taasi oo cabsi iyo walwal baaxad leh ku abuurtay Itoobiya oo imika bilowday inay baryoontanto oo Masar isku daydo inay la heshiiso.

Hoos Ka Daawo Warbaahinta Itoobiya Oo Ka Qayliday Saldhiga Masar ee Eratriya.

Isha Ku Hay Boramanews.com

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree