Thursday, 20 April 2017 13:48

Diyaaradaha Qaadka Keena Muqdisho Oo Maanta Ka Dhuuntay Cashuurta Dawlada Oo Kasoo Degay Magaalo Kaabiga Ku Haysa Muqdisho...

20/4/2017 (BNN) Markii ugu horeysay 7 Sano kadib ayaa Magaalada Muqdisho qaad waxaa looga keenayaa Garoon aan aheyn Aadan Cadde tan iyo markii la xeray Garoonkii NO: 50 oo ay kasoo wareegatay 7 Sano.

Dhowr diyaaradood oo wada qaad ayaa saakay ka degey Garoonka Magaalada jowhar sida ay BNN u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Garoonka Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, ganacsatada qaadka ayaa qaatay go’aan adag oo ah in aysan qaad ka dejin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii canshuuro dheeraad lagu kordhiyay.

Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo diyaar u ah inay qaadka u soo qaadaan Muqdisho oo safar dhanka dhulka ah ku geeyaan, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 7 sanno ah oo qaadka safar dhulka lagu geeyo, tan iyo xiritaankii garoonka diyaaradaha ee Nambar 50.

Xafiiska Wararka BNN

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree