LOGO3ABDUU

Friday, 21 April 2017 18:24

MARAYKANKA:Nin Maraykan Ah Oo Sheegtay Inuu Shareecada Ku Xukumayo Minnesota Oo La Xidhay Iyo Xaaskiisa Oo Soomaali Ah Oo Hadashay+VIDEO

21/4/2017 (BNN) Ninkani oo lagu magacaabo Cabdul Rashiid oo da’diisa lagu sheegay 22 jir ayaa samaystay calaamad sheegashadiisa ayaa sawiradiisa lagu baahiyey baraha Bulshada waxaana laga soo xigtay in uu doonayo in shareecada uu ku xakumo xaafada Ceder oo ah xaafada ay Soomaalida ku badan tahay waxaana la sheegaa in xaafadani ay degan yihiin ku dhawaad toban kun oo Soomaali ah.
Hadaba si aan faal faahin ugu helno ayaa waxaa noo suura gashay in aan la kulano Ooridisa oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Qadro ayaa sheegtay in warka sida loo dhigay uusan ahayn balse ay doonayaan in dadka ay ka caawiyaan wixii shareecada ay qabto.
Dhanka kale Ninkani eedeemaha loo soo jeediyey ayaa ah in uu sheegtay oo uu ciwaan ka dhigtay masjidka Imaamu Shaafici oo ku yaala xaafada Ceder balse maamulka Masjidka Dr Sheekh C/qani Qardhaawi ayaa arintaasi beeniyey.
Ugu Danbeytii qaar ka mid ah horjoogayaasha Jaaliyada iyo waalidiinta ayaa arintani ka muujiyey walaac hor leh, waa kan C/risaaq Biixi oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida Minneapolis wuxuu ka horeyn ka hadlayaa walaaca laga qabo sheegashada ninkani.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree