Monday, 19 June 2017 09:52

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dad Salaad Kasoo Baxay Oo Gaadhi La Gaadhsiiyay Magaalada London Dhimasho Iyo Dhaawac Dhacday VIDEO/SAWIRO

19/06/2017 (BNN) Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii gaadhi ladulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Nin 48 jir ah ayaa loo xidhay shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree