LOGO3ABDUU

Monday, 19 June 2017 10:18

Musuqmaasuq Lagu Eedeeyay Safiirada Somaliya U Fadhida Dalka Pakistan Iyo Arday Soo Bandhigtay Wax Isdabamarin Iyo Qabyaalad La Cadaystay+VIDEO

19/6/2017 (BNN) Ardayda kasoo jeeda deeganada Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi, oo ah Xaaska Madaxwaynihii Hore ee Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed.
Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay Idaacada Garoowe, ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.
Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.
Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen, Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Somalia.
Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay inay qoraalo u direen Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha isagoo ka codsaday in arrintaas wax laga qabto.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramaews.com

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree