LOGO3ABDUU

Monday, 17 July 2017 06:17

DAAWO: Nin Bisad Diley Oo 16sano Oo Xabsi ah Maxkamadi Ku Xukuntay Dalka Maraykanka .. +VIDEO

17-07-2017 (Bnn) Maxkamad ku taal magaalada San Jose ee Gobolka California ayaa 16 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay inuu si kas ah u dilay Bisad.

Ninka Falkaan gaystay oo lagu magacaabo Robert Farmer da'diisana lagu sheegay 26 jir, ayaa lagu helay inuu si xun u ciqaabay dabadeedna dilay Bisada.

Robert Farner, ayaa falkaan gaystay sanadkii 2015, Bishii Oc. 8-deeda, waxaana markii la qabanayay Booliska soo qabteen isagoo dhex hurda Gaadhigiisa sidoo kale waxaa dusha Gaadhigiisa laga helay qeyb kamid ah Bisada uu dilay oo jarjaran.

Robert Farmer, ayaa waxaa muuqaal ka duubay Kamirad ku xidhneyd meel u dhow goobta uu falka ka dhacay, waxaana bisada uu dilay da'deeda lagu sheegay 16 sano.

Goobta ay ka dhacday Maxkamadeynta Robert Farmer, waxaa goobjoog ahaa Haweeneyda iska lahayd Bisadda la dilay, waxeeyna aad usoo usoo dhaweysay go’aanka Maxkamadda.


Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree