LOGO3ABDUU

Monday, 17 July 2017 10:30

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ku Dhawaaqay in Dib loogu Noqdo Doorashada Sideed Xildhibaan Oo Barlamanka Somaliya Oo ....

17/7/2017 (BNN) Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir ayaa si cad u sheegay in ay qasab tahay in dib loogu celiyo doorasho sideed kursi oo baarlamaanka ka tirsan, isla markaana ay dood horay ugu taagneyd sharci.
 XERAxmed Cali Dahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aankii ka soo baxay maxkamada Sare in lagu laabto 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada Muhiimka ah ee ka soo baxa Maxkamada Sare ee Dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay Maxkamada ee Cadaalad darada iyo Musuqa ku soo baxay.
“ Waxaan taageeraya go’aanka Maxkamada Sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano Xildhibaanada Baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo cadaaladda oo dib doorasho xalaal ah loogu  celiyo Kuraasta aan saxneyn ee baarlamaanka ku jira “ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Qaranka”.
Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree