06-2013 Borama (Bnn) Soo dhawayntii ugu balaadhanayd ee loo sameeyo muwaadin dalka dibadiisa mudo dheer ku maqnaa oo ku soo laabtay gobolka Awdal ayaa maanta lagu qaabilay wafdi balaadhan oo uu hogaaminayay Prof. Axmed ismaaciil Samatar oo ay la socdeen Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Kaluumaysiga iyo aqoonyahano kale.
Ilaa habeenimadii xalay ayaa soodhawyntu waxa ay ahayd mid socota, waxana 28km ee u dhaxeeya Dila iyo Boorama camiray dadwayne aad u tiro badan oo iskugu jiray caruur iyo Ciroole, odaydhaqameedyo, waxgarad, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, madaxda heer gobol iyo degmo iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan kuwaasi oo watay caleemo qoyan, calanka Somaliland iyo sawirada Prof. Samatar.
Wafdiga ayaa waxa ay ku hakadeen magaalada Dila halkaasi oo ay dadwaynaha degmadu kala hor yimaadeen ciyaaro kala noocnooc ah, waxana halkaasi ka hadalay Sul. Saleebaan Cali waxana uu soo dhaweeyay wafdiga waxana uu yidhi " Waan ku soo dhawaynaynaa, Prof. Samatar, Dila waa meesha laga galo gobolka Awdal, waxa intan ka dambeeya waxa is daba jooga dadwayne aad ubadan oo u diyaar ah soo dhawayntaada, waxa ay tani astaan u tahay sida ay dadka reer Awdal diyaarka ugu yihiin inay kaaga hiiliyaan wixii Xamar kaa soo maray ama kuugu codeeyaan hadii aad doorasho isku soo taagso".
Wasiirka Kaluumaysiga Md. Cabdilaahi Geeljire oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa carab dhabay ujeedada uu Prof. Samatar u yihid Boorama iyo waxa ay xukuumadu u soo marti qaaday waxana uu yidhi " Prof. Samatar waa muwaadin xaq u leh inuu dalkiisa yimaado, waa Aqoonyahan iyo siyaasi miisaan culus leh, waxa aan hubaa inuu maanta ka dharagsan yahay qadiyada Somaliland iyo waxa noo qabsoomay, xukuumaduna waxa ay u marti qaaday Prof. Samatar in uu qayb ka noqdo hormarka dalku hiigsanayo talooyin iyo waayo aragnimona ku darsado masiirka umadan Somaliland sidii ay u hiigsan lahayd meesha ay rabto.
Prof. Samatar oo la hadlay dadka reer Dilaad ayaa yidhi " Waan ku faraxsanahay in aan maanta Dila joogo, waxa aan arkayaa in Dila ay waxbadan u qabsoomeen, waanan ka mahadnaqayaa sida balaadhan ee la ii soo dhaweeyay, aniga oo huba in soo dhawaynta Dila la iiga sameeyay ay tahay tii ugu balaadhanayd ee la ii sameeyay inta aan dalka ku soo laabtay, maana mid raad igu reebtay oo aan qalbigayga ka tirmi doonin".
Wafdigan ayaa waxa ay u soo baqooleen dhinaca Boorama iyada oo ay galbinayaan kumanaan baabuur oo ay dadwayne saaran yihiin, waxana ay dawaynahaas oo magaalooyinka u dhaxeeya Dila iyo Boorama siwayn u soo dhaweeyeen ayaa waxa ay dadwaynuhu isugu soo biyo shubteen Khayriyada Boorama oo dadwaynaha maanta qaadi wayday.
Maayar Ku Xigeenka Boorama Maxamed Dheerayste iyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wafdiga Prof. Samatar, waxana ay u mahadnaqeen dadwaynaha soo dhaweeyay, iyaga oo intan daba dhigay in maanta uu la joogo muwaadinkii ugu sareeyay tanina ay sare u qaaday miqaamkii iyo sharaftii dalka Somaliland.
Wasiirka Beeraha ee Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole oo isaguna ka hadlay halkan ayaa yidhi " Waad mahadsan tihiin sida balaadhan ee aad u soo dhawayseen Prof. Samatar oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah, waxana aan dhamaanteen inoo rajaynayaa inaan gacmaha is qabsano oo aan hormarka dalkeena iyo midnimada ka shaqayno".
Prof. Samatar oo soo xidhay hadalka ayaa isaga oo aad ula yaaban soo dhawaynta balaadhan ee loo sameeyay waxa uu yidhi " Waxa aan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka iyo salaantii tolnimo, waxa aan sheegayaa in aanan mutaysan soo dhawynta intan leeg, waxaanse leeyahay waan ka mahadnaqayaa, waxana aan sheegayaa hadii aan nahay reer Galbeed inay wax badan inoo yaalaan oo ay ka mid yihiin inaan ka shaqayno hormarka Somaliland iyo adkaynta midnimada iyo waliba helitaanka iyo sugida cadaalada, waaanan idinla joogaa oo aan is waraysan doonaa".
Prof. Samatar ma aha nin madax ah iyo Masuul dawladeed, ma aha ugaas iyo oday dhaqameed, mana aha muwaadin waxqabd muuqda ku soo kordhiyay Somaliland iyada oo ay saas tahay hadana soodhawynta loo sameeyay way ka maqaam saraysay mida loo sameeyo madaxda iyo odaydhaqmeedka maantya.
Si ksataba ha ahaatee iyadoo ay jireen maalmaha qaar in dadka reer Somaliland ay si wayn uga cadhoodaan hadalada ka soo yeedha Prof. Samtar ee ku aadan qadiyada Somaliland hadana tan uu maanta Boorama kala kulamay way ka duwanayd tii hore, waxana labadaas maalmood ee is daba socdaa ay la mid yihiin kuwii uu Eebe quraankiisa ku sheegay ee uu yidhi "WATILKAL AYAAMU YUDAAWIRUHAA BAYNA NAAS" sadaqa laahul cadiim.
Wariye:-
Cabdale Cali Yusuf
Geestiir.com/Borama
|
Wednesday, 05 June 2013 06:21 |
|
Saturday, 01 June 2013 11:23 |
|
Friday, 14 June 2013 17:45 |
|
Tuesday, 04 June 2013 16:02 |
|
Sunday, 09 June 2013 21:28 |
|
Saturday, 08 June 2013 18:27 |
|
Saturday, 15 June 2013 05:39 |
|
Monday, 03 June 2013 13:35 |
|
Sunday, 09 June 2013 23:12 |
|
Monday, 10 June 2013 04:11 |