|
Akhristeyaal waa qormadii labaad ee ku saabsan milcsiga waayo-aragnimda nololeed ee Xaaji Cabdi, intii la socotay qaybtii horena waa tan qaybtii labaad oo ka bilaabmaysa, halkii ay inoo joogtay maalintii hore.
" Awoow kolkii hore waxaanu u soconay in aanu ku dilnaa, qoryaha xabbadahaa noogu jiray, kolkaad darroorintii noo quudhi wayday, ayaan anna xabbadii kuu quudhi waayay, imakana waxaan isu rogay in aad inaan kaa guursado, oo aad inan i siiso, oo aad Aabbe ii noqoto", markii uu Xaajigu hadalkaas dhameeyay, Cismaan Guuleed wuu argagaxay oo wuu naxay, qof la yidhi dilkaaga ayaa loo socdayna waa la dareemi karaa sida uu u naxayo, Cismaan madaxa ayuu u salaaxay, waanu dhunkaday Xaaji Cabdi, waxaanu yidhi " Waan ku siiyay inantii, oo inantaas yar ee hadda naaska laga daayay ayaan ku siiyay", inanta Xaajiga la siiyay waa inan markaas yarayd, oo ay da’deedu ku dhawayd laba sanno, Xaaji Cabdi waxa uu yidhi "Waxaanu doonaynaa inan ah aqalkaa aan galnay, bahahaaga kale waxba ka dooni maayo’e", Cismaan waxa uu jawaabay "Waan ku siiyay", Xaaji Cabdi ayaa mar kale ku tiraabay "Qorigana iga qabo", waxaanu doonay in uu Cismaan oo hadda soddog u noqday ku wareejiyo qorigii uu markii hore damacsanaa in uu ku dilo, laakiin Cismaan waxa uu yidhi "Xaasha", waanu diiday in uu qoriga ka qaato Xaaji Cabdi, Cismaan waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi isaga oo la hadlaya Xaaji Cabdi " Waxaan kuu ballanqaaayaa in aanan inantaa siinin cid kale, adiga oo fasaxa inanta ama dhinta maahaane, qorina kaa qaadi maayo, ee sidaas beeshii ku wargeliyoo, raalli ku noqo". Cismaan Guuleed waxa uu qaaday ballantaas culus ee ah in uu Xaaji Cabdi siiyay mid ka mid ah hablaha uu dhalay, Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socdayna waxa ay ku laabteen beeshoodii ay ka yimaadeen, ee markii horeba soo dirtay, soona abaabushay.
Markii ay beeshii ku laabteen Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socday, ee ay uga warameen waxa dhacay iyo in aanay soo dilin Cismaan Guuleed ee ay qaateen nabadgelyo iyo saamax, raggii diray wiilashu way u duceeyeen wiilashii soo laabtay iyaga oo aan dil geysan, waxayna yidhaahdeen raggii wiilasha diray "Idinkaa naga talo roonaa, kolna Xuseen ma yimaadeen, Ilaahoow adaan Cismaan Guuleed nagu dhagarayn", raggii mudarkarka ahaa ee wiilasha diray way u duceeyeen wiilashii.
Xaaji Cabdi iyo inantii maalintaas la siiyay waxa ay kala maqnaayeen toddoba iyo toban gu’, 17 sanno kadib ayuu Xaaji Cabdi u yimi Cismaan, inantiina uu guursaday Xaaji Cabdi, inanta la siiyay Xaaji Cabdi waxa magaceedu yahay Faadumo Cismaan Guuleed, Faadumo waxa ay Xaaji Cabdi u dhashay afar iyo toban carruur ah, carruurtaas waxa hadda ka nool shan ka mid ah, sagaalka kale way dhinteen weliba qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen dagaaladii dalka ka dhacay 1988-1996, kuwaas dhintayna carruur badan ayay ka tageen.
Hawshaas nabadaynta ah iyo saamaxaadaa balaadhan ee uu maalintaas fidiyay Xaaji Cabdi waxa ay saamayn muuqata ku yeelatay nolosha Xaaji Cabdi oo ku salaysnayd intii dambe oo noloshiisa oo dhan nabad-doonimo, saamaxaad, cafis, iyo aar gudasho la’aan. Xaaji Cabdi isaga oo ka hadlaya sida ay hawhaas nabadaynta ahi saamaynta ugu yeelatay noloshiisa waxa uu yidhi " Hawshaasi saamayn noloshayda way ku leedahay, kolka aad kacdo "qaangaadh noqoto", dee inaad ama nin dhiblaw ah noqoto, ama nin aslaax ah noqoto, anigu (Xaaji Cabdi) nin dhiblaw ah kuma kicin, waxa taa ii xigay waxa aanu jaar ahaynoo aanu is dilaynay niman Ogaadeen ah, oo Reer Cali la yidhaahdo illaa geelayga la igu galo, oo xeradayda la igu soo doontana anigu ka wax doonta ma ahayn".
Siciid Maxamuud Gahayr
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|