|
Written by boramanews
Monday, 28 December 2009 05:43 |
|
|
|
|
|
Siilaanyo oo U dhoofay Maraykanka Marti Qaad uu ka helay Darteed |
|
Hargeysa(Bnn)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta socdaal ugu kicitimay dalalka Itoobiya iyo Maraykanka, ka dib markii sida uu sheegay uu martiqaad rasmi ah ka helay Wasaarada Arrimaha dibada ee dalkaa.
Md. Axmed Siilaanyo oo maanta saxaafada ugu waramayay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, ka hor intii aanu dalka ka dhoofin ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dhashay martiqaad uu ka helay Wasaarada Arimaha Dibedda ee Maraykanka, waxaanu carabaabay inuu la kulmi doono masuuliyiinta dalkaa oo uu kala hadli doono danaha Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu beeniyay warar sheegayay in xisbiga KULMIYE gudihiisa uu ka jiro khilaaf ba’an oo ka dhex aloosan hoggaanka xisbigaa waxaanu wararkaa ku sifeeyay kuwo ay fidinayaan dad dacaayadeynaya xisbiga..
Axmed Siilaanyo waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Keyse Xasan Cigge, iyo xubno badan oo ka tirsan Guddida fulinta ee xisbigaasi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa la sheegay inuu muddo saddex cisho ah ku sii hakan doono dalka Itoobiya, halkaa oo uu kulamo kula sii yeelan doono saraakiil ka tirsan dawlada dalkaasi.
|