|
Written by boramanews
Monday, 28 December 2009 06:32 |
|
|
|
|
|
Shan Ku Dhintay iyo 300 oo Xabsiga loo Taxaabay Mudaharaadyada Iran |
|
Ciidamada Booliska Iran ayaa xaqiijiyey inay dhintayn Shan qof in ka badan 300 oo Mudaharadayaalna la xidhay kadib markii ay isku dhacayn Ciidamada Amniga iyo Taageerayaasha mucaaradku Magaalada Tehran dhexdiida.
Ciidamadu waxay intaa ku darayaan inaanay iyagu geysan diilka balse ay baadhitaan ku hayaan siday wax u dhacayn iyoi cidda dilka geysatay.
Isku dhaca ayaa yimi9d maalin si weyn looga xuso dalka Iran ee Cashuura iyadoo Maalayiin Iraniyiin ah iskugu soo baxayn Wadooyinka si ay ugu Murugoodaan Dilkii Imaam Xuseen.
Wakaalada Wararka ee Fars News Agency oo soo xiganaysa ilaha Sirdoonka oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in Dilka dadka mudaharadayey ay ka dambeeyaan Koox Argagaxiso ah oo lagu magacaabo People's Mujahedin oo Iran ka dhisan.
Laakin Shabakadaha Internetka ee taageera Mucaaradka ayaa sheegaya in Ciidamadu iyagu geystayn dilka oo dadka toogtayn.
Isku dhacyo aan badnayn ayaa xili dambe xalay ka dhacayey magaalada iyadoo Ciidamadu xabad kor u ridayaan si ay u kala didiayaan isu soo baxayaasha.
Rabshadaha ayaa salka ku haya Doorashadii Madaxtinimada ee sanadkan taas oo ay Mucaaradku ku eedenayaan in Madaxweyne Ahmedinajad uu ku shubtay Doorashada eedahaas oo Xukuumadu beenisay.
|