|
Written by boramanews
Monday, 28 December 2009 06:33 |
|
|
|
|
|
Eyga Dunida ugu Weyn oo Lagusoo Bandhigay Arizona, USA + Sawiro |
|
Ey ku nool Gobolka Arizona ee Cariga Maraykanka ayaa loo aqoonsaday Eyga ugu weyn dunida kadib markii uu dhararkiisu noqday 2.3 M marka laga cabiro Sanka ilaa Dabada, iyadoo uu ku dhawaanayo Dhararka Fardaha.
Eygan ayaa tartan ugu jiray inuu Jabiyo Rikoodhkuu hore u dhigay Ey hore oo la odhan jiray Gibson kaas oo dhintay Bishii August.
David Nasser oo ah Mulkiilaha Eygan ayaa ku tilmaamay arrin wanaagsan in Aygiisu noqday kan dunida ugu dheer oo Rikoodh dhigay.
Mr Nasser ayaa sheegay in Eygan oo Todoba Wiig Jira uu soo kaxaystay balse aanu filayn marnaba inuu sidan oo dhan u weynaado.

|