|
Written by boramanews
Monday, 28 December 2009 17:54 |
|
|
|
|
|
Madaxa Jaaliyada Awdal ee London oo Si Qiimo badan usoo Dhaweyey W.Hawlaha Guud iyo Xog Waraysi ay yeeshayn + Sawiro |
|
London(Bnn)-Shalay oo ay bishu hayd 27/12/09, waxa madaxda Jaaliayad Awdal ee Londan ay qado sharaf ugu sameeyeen Wasiirka H/guud Mudane Siciid Sulub oo booqasho ku jooga carirga Ingiriiska, waxaan halkaasi ku soo dhaweeyey Munaasabdii Wasiirka Mudane Mohamed Hasan Mataan oo ah Af-hayeenka Xisbiga udub U.K.
ka dib waxa uu hadalkii ku wareejay Madaxda Jaaliyada Awdal si ay wasiirka ugu waramaan, waxana hadalkii qaatay labada odey ee kala CABDI MAXAMUUD ISMAACIIL { CABDI-WEYNE ) IYO IDRIS MAYDHANE WARSAME oo wasiirka ugu xog waramay xaalada dalka iyo dadka gaar ahaan Reer S/land iyo Taageerad Xisbiga Udub u hayaan ama ay ugu diyaar garoobayaan Doorashada dhawaan dalka ka dhaci doonta, isla markaam ku guubaabiyey Xukuumada in ay si adag oo dadaal badan ugu hawl gasho hirgalinta Doorashada.

Ka dib, hadalkaasi odayssha waxa qaatay oo la wareeegay Wasiirka H/Guud Mudane Siciid Sulub oo si kooban ugu xog waramay Xaalada Dalkii halka ay marayso, qorshayaasha xukuumada iyo sida ay ugu diyaar garowday inay si habsimi ah ay uga qeyb qaadato Doorashada dhawaan dhacaysa uguna waramay Heshiiskii Sadaxda xisbi Qaran iyo mabdi'yan sida loogu heshiiyey isla markaana si cad u sheegay sida ay xukuumad ahaan ugu go'an tahay hirgalinta Doorashada iyo Heshiiskuba.

Wasiirku wuxu si weyn ugu mahad celiyey Jaaliyada Awdal sida qiimaha iyo sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen isla markaan uu ka codsaday in ay kordhiyaan Taareerada Xisbiga Udub maadaama doorashadii dhawdahay. Ka dibna waxa sii socotay soo dhawayntii Wasiirka oo ay Fadhi Rasami ah sii wada qaateen, madaxdii Jaaliyada Awdal.


|