|
Written by boramanews
Tuesday, 29 December 2009 05:25 |
|
|
|
|
|
''Puntland waxay Socdaalka Waftiga Kenya ee Laascaanod u Aragta Hurin Colaadeed " |
|
Garowe(Bnn)-Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa cambaareyn xoog leh usoo jeedisay socdaalkii ay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ku yimaadeen wafdi ka socday dawladda Kenya, kaas oo maalmihii ugu dambeeyey booqanayay deegaanada Maamulka la baxay Somaliland.
Dawladda Puntland ayaa sheegtay in ay taasi keenayso abuurid xiisad cusub, isla markaasna ay Kenya timid gobalka Sool oo ay ku muransan yihiin Soomaliland iyo Puntland, waxa ayna sheegtay Puntland in ay Somaliland si sharci daro ah ku joogaan gobalka Sool, iyagoo sheegay in ay mudo dheer ku jireen sidii si nabad ah ay uga bixi lahaayeen ciidamadaasi gobalka Sool.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Puntland ayaa lugu sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay dawladdaha Geeska Africa ay ka fiirsadaan talaabooyinkooda ku wajahan gobalka Sool oo ay isku hayaan Somaliland & Puntland.
“ Faarax Macalin wuxuu ogsoon yahay si xaq daro ah gacanta Somaliland, waxaana usheegayaa Faarax Macalin in ay Isimadii, Waxgaradkii iyo Siyaasiintii udhashay Laascaanood ay hada joogaan banaanka Laascaanood” Ayuu yiri Wasiiru dowlaha Maamul-wanaaga Puntland.
Mr, Gaashaan ayaa ku eedeeyey Faarax Macalin uu gacan siinayo in ay Somaliland, ka go’odo Soomaaliya, isagoo sheegay in talaabadii uu ku soo gaaray Laascaanood ay noqoneyso mid la doonayo colaad in laga abuuro Soomaaliya iyo kicin dadweyne.
Dawladda Puntland oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo dawlada Kenya ayaan warqad dacwo ah udirtay dawladda Kenya, sida ay sheegayaan warar ka soo baxaya dawladda Puntland, taasoo ay kaga hadlayaan sababaha keenay in gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin uu Laascaanood oo ah goob laysku haysto tago, kulana kulmo dhinacyo aan udhalan magaalada, isla markaasna xoog ku haysta Laascaanood.
|