HOT NEWS
Written by boramanews    Tuesday, 29 December 2009 05:48    PDF Print E-mail
Midowga Yurub oo Dhaleecayey Qorshaha Isreal ee Dhismayaasha Cusub ee Bariga Qudus.

Midowga Yurub ayaa sheegay in Dhismiyaasha Cusub ee Yuhuudu ka dhisayso Bariga Magaalada Qudus ay yihiin Qaar sahrci darro oo ka hor imanaya sharciyada caalamiga ah waxayna kula taliyeen Isreal inay Qorshaheeda dib u eegto.

"Madaxtooyada Midowga Yurub waxay ka xuntahay Dhawaaqa Xukuumada Isreal ee ay ku sheegtay inay dhisayso ku dhawaad 700 oo guri oo ay ka dhisayso Dhulkay haysato ee Bariga Qudus " sidaa waxa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooiyada Midowga Yurub ee Sweden.

Wasiirka Guryeynta Isreal ayaa sheegay inay soo bandhigayaan Qandaraas cusub oo lagu dhisayo 692 Guri oo laga dhisi doono Bariga Qudus  iyadoo Yuhuudu sii wada deegaamaynta cusub ee ay ka waday dhulkay haysata taas oo caqabad wayn ku noqotay wada hadaladii la filayey inay bilaabmaan.

Xukuumada Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay inay kasoo horjeedo deegaamaynta cusub iyo Dhismayaasha dhulka la haysto iyadoo kula talisay Isreal iyo Falastiinba inayw ada hadalada dib u bilaaban.

Afhayeen u hadlay Maamulka Falastiin ee Maxamuud Cabaas ayaa sheeegay in Dhankooda ay dhaleecenayan Qorshaha Isreal  isagoo intaa ku daray in dhismayaasha Isreal ka dhistay dhulkay haysato laga soo bilaabo 1967 ay yihiin Sharci Daro.

Dhaleecayntan ayaa ka dambeysay kadib markii Isreal ay ku marti qaaday shirkadahaa Wax dhisa inay kasoo qayb galaan Qandaraaska la bixinayo oo 692 Guri lagaga dhisayo Bariga Qudus.