HOT NEWS
Written by boramanews    Tuesday, 29 December 2009 14:03    PDF Print E-mail
Sh.Shariif oo Walaac ka Muujiyey Maamul Goboleedyada Soo Badanaya

Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta walaac ka muujiyey maamul goboleedyada ee kusoo badanaaya dalka Soomaaliya.

Waxaana u sheegay in ay maamul goboleedyada ay qayb ka yihiin amaan darada bahsan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, ayna si kordhin karaan colaadaha ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtigaan iminka loo baahanyahay in ummada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa isku duuban ayna isku soo dhowaadaan, waxaana uu tilmaamay in maamul goboleedyada ay keenaan kala fogaansho iyo kala aragti.

Dhanka kale Shariif Sheikh Axmed waxaa u soo dhoweeyey heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen labada Siyaasi ee isku haystay xilka madaxtinimada maamul goboleedka Galmudug.

Isagoo maanta ka hadlaayay munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay heshiis ku kala saxiixanaayeen Axmed Shariif Hilowle iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa aad u soo dhoweeyey heshiiska ay wada gaareen labadaas masuul talaabada ay qaadeen.

Waxaana u tibaaxay in Dowlada u madax ka yahay ay kaalin weyn ku lahayd soo afjarida khilaafkooda, isagoo sheegay in ay waajib saarantahay in Dowladiisa ay xaliso dhibaatooyinka ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa ku baaqay labadaas masuul in ay si deg deg ah u bilaabaan howlahooda shaqo, isagoo sheegay in ay si wadajir u wada shaqeeyaan.

Maxamed Axmed Caalin oo ah Madaxweynaha Galmudug ee loo tanaasulay, ayaa soo dhaweeyey go’aankii ugu tanaasulay ninkii loolanka kula jiray ee Axmed Shariif Hilowle. Wuxuuna sheegay in waxgaradka kasoo jeeda Galmudug ay kaalin weyn ka geysteen heshiisiintooda isagoo sidoo kale ka dhaweejiyey in waan waantan uu ku luglahaa Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo labadooda ku casumay magaalada Muqdisho.

Marka laga yimaado heshiisiinta garabyadii isku hayey maamulka Galmudug, ayaa hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee uu walaaca uga muujiyey maamul gobaleedyada noqon kara mid markale shaki ku beera qorshaha Dowlada uu hogaamiyo Shiikh Shariif Axmed.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya 2004 oo ay  hada hogaankeeda hayaan Shariif Axmed iyo Cumar Cabdirashiid, dastuurka ay ku taagan tahay ayaa qoraya in ahmiyada ugu weyn ee dowladaasi KUMEEL GAARKA ah, ay tahay sidii ay u dhisi lahayd Maamulada gobalada ee Federaalka ku biiri doona, diyaarinta Dastuurka cusub iyo Doorashooyin xor ah.

Hadaba hadalka Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya ayaa shaki gelinaysa sida dowladan ay uga soo bixi karto hawlihii loo xil saaray hadayba walaac ka qabto Maamulada gobalada dalka laga dhisayo.

Tan iyo intii la dhisay Dowlada Federaalka ma jirin wax maamul gobaleed ah oo ay ku guuleysatay inay dhisto dowladu, mana jirto Dastuur cusub oo ay diyaarisay, ayadoo aanba soo hadal qaadkeeda aan weli la maqal wax doorasho xor ah oo mustaqbalka dhici doonta, xili dowladu aysan weli awood u yeelan maamulida guud ahaa magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Horseed Media.