dahabshiil

BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Baaq Taageero Oo Ku Socota 120 Oday Ee Ku Shiray Borama

BAAQAsc Wr Wb

Al xamdu lilaahi, allah mahadleh suragaliyey isku imaadka 120 odey ee samaroon. Wa wax anigu gaar ahaan ad an ugu farxey.

Wuxu ka dhawaajiey afhayeenku midnimadii iney hirgashey, oo hadeed in loo talabsado ay tahey harawmarkii gobolada awdal selel iyo gabiley ( anigu waxan ku dari jabuti iyo ethiopiyaba) . Waa arin an hadal hayey inbadan oo an rajeyney. Mar dhaweydna an ku soo qorey websiteka saylac.news: http://saylacnews.net/?p=3842

Harawmarku dhaqaale ayu u baahanyahey. Markaa waa in dhaqaale si dag dag ah loo helo. Professor samatar mar an kula sheekeystey wadanka holand wuxu dhahey dakada lughaya waxey u baahan tahey ilaa 1000 000 us dollar.

Hadii ay noo sameeyan gudida odey dhaqameedka ee isku yimidey ee afhayeenku u hadlayey : gudi dhaqaale oo sameysa meel samaroon oo dhan cashurta u dhulkiisu iyo dadkiisu ku leeyahey ku soo shubo diyaar bey u yihin cidii samaroon ah ee inkom soo galeba iney ku soo shubtan.

Anigu waxaan soo ban dhigey : hadii u odey kastaba soo tira kobo dakiisa dibad iyo gudaba oo baaq muhim ah u diro in la waayeyn 8500 qof oo samaroon ah oo kiiba sanadkii 240 us dollar ugu yaraan soo diro. Waxaa laheli sanad gudihi 2 000 000 us dollars oo dakad daaye dhulka samaroonkoo dhan ceelal iyo beero lagaga dhigi sida somalida keelanka shanaad ee Ethiopia.

 

Maxaan iniga codsanayaa bahdina saxaafada ee ku nool borama inad farintan si toos ah iga garsisin afhayeenka iyo odey dhaqameedka:

-          Gudi dhaqaale iyo meel an dhaqaalaha ku soo hagaajino noo sameya si dhaqsa ah.

-          Samaroon oo dhan na baaqa u dira

-          Mutacalintina iyo aqoon yankiina u yeedha oo ka codsada sida harawmarka loo hiregalinayo: bool quburo baa nila jooga ee humadiina ka saar mugdiga.

 

Waxaan ku soo dhameynayaa baaq an u dirayo odey dhaqameedkeena:

            Adeerayaal anbase awoowayaal umadina taarikh iyo magac uga taga. U tafa xeyta dakiina oo dhinac midah u jiheeya.

Aad bad u mahadsantihin. Ilaahey ha nila jiro, cimriginana cafimaad ha ku dhereyo

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN