dahabshiil

BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

KISMAAYO WARBIXIN : Dagaalka Khasaare Dhaliyay Oo Dhexmaray Labada Ciidan Ee Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Madaxweynaha Somalia Oo Ka Hadlay iyo Waraysi Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo.. +DHAGAYSO

KISMAAYO_34508-06-2013 Kismaayo (Bnn) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamo taageersan ururka Raaskanboni ee maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iyo maleeshiyo kale oo taageersan Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah siyaasiyiinta Kismaayo kaga dhawaaqay inay madax ka yihiin maamulka Jubbooyinka.

 
Mr. Baasto ayaa VOA u sheegay in dagaalku qarxay markii ciidanka Raaskaanbooni ay damceen inay isaga xiraan, laakiin sarkaal ciidan oo ka tirsan ururka Raaskanbooni oo VOA-da la hadlay ayaa arrintaasi beeniyay, wuxuuna dagaalka ku eedeeyay dowladda Somalia, gaar ahaa wasiirka difaaca oo uu sheegay inuu magaalada joogo isla markaana uu hubeynayo kuwa iyaga ka soo horjeeda.
 
Wasiirka difaaca, C/xakiin Maxamuud Fiqi ayaa isna VOA u sheegay in dagaalku dhexmaray laba maleeshiyo oo kala taageersan maamullo iska soo horjeeda, wuxuuna sheegay in dowladdu canbaareynayso dagaalka.
 
Ma cadda tirada khasaaraha rasmiga ah ee dagaalku dhaliyay, waxaa jira warar is-khilaafsan oo ka hadlaya dadka dhintay. Goobjoogyaal ayaa sheegay in ilaa 3 qof oo rayid ah ay dhinteen, sidoo kalena ay dhici karto dhimasho soo gaartay labada dhinac ee dagaallamay, wasiirka difaacuna wuxuu VOA u sheegay in 1 qof uu dhintay ilaa 8-na ay dhaawacmeen.
 
Xaaladda magaalada ayaa imika kacsan, waxaana galabta ilaa fiidnimada caawa dhacayay rasaas goos-goos ah oo laga maqlayay gudaha magaalada.
 
Madaxweynaya Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka oo canbaareeyey, wuxuuna labada dhinac ugu baaqay inay colaadda joojiyaan sida ugu dhakhsiyaha badan

JavaScript is disabled!
To display this content, you need a JavaScript capable browser.

Xiggasho VOA

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 15 June 2013 07:28
Friday, 14 June 2013 13:38
Tuesday, 18 June 2013 00:12
Monday, 10 June 2013 16:25
Sunday, 09 June 2013 14:29
Thursday, 30 May 2013 19:23
Saturday, 08 June 2013 13:22
Tuesday, 18 June 2013 13:27
Sunday, 16 June 2013 23:03
Tuesday, 04 June 2013 17:25