|
Written by boramanews
Monday, 08 February 2010 05:28 |
|
|
|
|
|
Gudoomiyaha Wakiilada oo Xogwaran siiyey Jaaliyada Somaliland ee Norway +Dhageysi +Sawiro |
|
Guddoomiyaha golaha wakiiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ay maalintii shalay la qaatay kulan balaadhan oo uu ugu xog-waramayey wax garadka jaaliyadda Somaliland ee magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda.
Guddoomiyuhu wuxu si balaadhan uga waramay xaalada dalkii, guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka iyo siday u wadaan hawlahooda. Waxa kale oo uu si qoto dheer uga waramay xidhiidhada golaha wakiilada JSL, la leeyahay caalamka, isagoo si gaar ahna uga waramay booqashadii dalka Sweden iyo darajadii lagu qaabilay.
Kulankaa uu jaaliyadda Norway ugu xog-waramay guddoomiyuhu waxa lagu soo xidhay xaflad casho ah oo uu xafiiska xawaalada Dahabshiil ee Norway u sameeyey guddoomiyaha golaha wakiilada iyo masuuliyiinta iyo wax garadka jaaliyadda.
Halkan ka Dhageyso
Ramaasnews
|