|
Written by boramanews
Monday, 08 February 2010 05:48 |
|
|
|
|
|
Maxaad ka Taqaan Magaalada Loo Dhimasho Tago |
|
Akhristow inbadan
ayaad maqashay magaalooyinka loo dalxiiska tago sida sharmalshiikh,
Miami iyo Bahamas, laakiin wali ma maqashay magaalo loo dhimasha tago?
Sida ay qortay Jariirada The sun waxaa tuulo lagumagacaabo Pfaffikon oo
ku taala Zurich Switzerland ka farun xarun caafimaad oo lagu magacaabo
Dignitas.
Xaruntan waxaa lagu fuliyaa dil sharafeed ama hadii aan si kale u
dhigno xarunta waxa ay dadka qaba xanuunada aan dawada laheyn ama
dhimashadooda loo qabtay mudo kooban uga raaxeysaa dhibka iyo xanuunka
haya.
Ilaa iyo hada 135 ruux oo British ah ayaa u safray Zurich 27 ka mid
ah waxay tageen sanadii nasoo dhaaftay, dhamaan dadkani waxa ay u
dhimasha tageen Xarunta Dignitas ee uu 1998 aasaasay Looyar xuquuqul
insaan oo lagu magacaabo Ludwig Minelli .
Dadka ugu badan ee u geerida tago Zurich waxaa ay u dhasheen
dalalka Germany iyo Britain, Shuruucda u dagsan dalalkooda oo dambi ka
dhigeysaa in qof lagu caawiyo in uu isdilo ayaa sababtay inay u safraan
Xaruntan la isku qaarajiyo.
Dalka Britain waxaa Maarsadan nagu soo foolka leh laga soo saari doonaa
sharici lagu ciqaabayo dadka raaco kuwa ay jecelyihiin si ay nafta isu
dhaafiyaan. Aasaha Xaruntan Ludwig waxaa uu sheegay inaysan shaqada ay
hayaan layaab laheyn, Ujeedada xaruntiisana waxa uu ku tilmaamay inay
tahay in dadka nolasha ka quustay la siiyo dhamaad sharaf leh.
Dignitas waxa ay ku taalaa tuulo warshadley ah, wallow uu ninkan
sameeyay xaruntan uu sheegay inay yihiin urur aan faa`iido doon aheyn
hadana waxaa qofka is qaarajinaya ku baxa aduun lacageed oo gaaraya
10500 oo Swiss Franc ah una dhiganta 6200 oo gani.
Dignitas waxaa ka shaqeeya lix dhaqtar oo go”aamiya in bugaanka loo
qoro suntan la isku dilo iyo inkale, Ludwig waxaa uu sheegay inay dadka
ku caawiyaan inay isdilaan oo kaliya laakiin waqtiga iyo maalinta uu
qofku isdilayo uu isagu qorsheysto.
“Dadku marka ay isqaarajinayaan waxa ay kaaga sheekeynayaan
wacdarahoodii nolasha xusuustoodii waayo waayo iyo kaftanadii ay
jeclaayeen, cidina ma dadajiso”, ayuu yiri 77jirkan ictiraaqay xaruntanta la isku dilo.
Bukaanka doonaya inuu xijaabto waxaa la joogo qoyskiisa iyo
asxaabtiisa, 30 daqiiqo ka hor inta uusan cabin Sunta ruuxda ka
qaadeyso waxaa la siiyaa dawo matag-joogin ah, sunta oo aad u qaraar
awgeed waxaana qofka agta laga soo dhigaa Baaquli shukulaato Swiss ah,
Music ayaa loo shidaa si ay u yaraato walwalka iyo walaahowga uu
amintaa dhaxmuquurayo.
Intaa kadib Sunta ayaa biyo lagu soo qasaa deetana ayada oo koob
caag ah ku jirto loo dhiibaa dhibanaha doonayo inuu u hayaamo halkii
loo badnaa iyo hoygii aakhiro.
Ruuxa doonaya inuu nafta isdhaafiyo waxa uu macsalaameeyaa
Eheladiisa iyo asxaabtiisa, waxa kaluu uga mahadceliyaa jaceylka iyo
taageerada ay u muujiyeen xili ay duruufuhu ku adagyihiin waayuhuna ku
ciireen, intaa kadibna waxaa uu ruuxu cabayaa Sunta, ugu dambeyna wuxuu
galayaa hurdo uusan dib uga soo noqondoonin.
Umuuro sharciyeed darteed Waxaa laga duuba bukaanka Video, Police-ka
ayaa daawada cajalada si ay u hubiyaan in xubnaha dignitas oo qura ay
howsha fuliyeen, Geeridu waa lama huraanee marka ay naftu ka hamaansato
waxaa lagu duuga Qubuuraha ama loo dhoofiyaa dalkoodii hooyo.
Dadka ugu badan ee uu geerida tago Dignitas waxa yu badan yihiin
kuwa qaba Cuduro aan la daweyn Karin ama ay qubarada caafimaadka u
sheegeen waqtiga ka harsan nolashooda, Ludwig waxaa uu The Sun uga
faalooday haweeney da`ah oo u dhalatay Britain oo kolkii ay is dileysay
usbuuci hore qosol iyo kaftan ku dhameysatay daqiiqadihii ugu dambeeyay
nolasheeda.
Sanada badan oo ay xanuunsanayeen waxa ay bukaanadu qurquriyaan
Sunta ay dhaqaatiirtu u dhibteeyeen ayaga oo ku faraxsan inay wajahaan
Geeri.
Fiira Gaar ah; Akhristow warbixinta The sun oo aad u dheereyd waxaan ka soo qaaday intii ugu muhiimsaneyd.
Waxaa turjumay Wariye :
Axmednuur Cabdulaahi Cali
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
London, U.K
|