HOT NEWS
Written by boramanews    Monday, 08 February 2010 05:53    PDF Print E-mail
Gabadh U Tartamaysa Doorashada Barlamaanka Ciraaq oo La Dilay

Gabadh u Sharaxnayd Golaha Barlamaanka Ciraaq ayaa lagu dilay Magaalada Mosul ee Waqooyiga dalka Ciraaq.

Suha Abdul Jarallah oo 36 jir Sunni ah kuna jirtay Kuwa Taageera reer Galbeedka ee la safan Raysal Wasaarihii hore ee Ciraaq Iyad Callawi ayaa dil qorshaysan lagu fuliyey iyadoo ka timid guri ay lahayeen Qaraabadeeda oo ku yaal Ras Al-Hadda oo xaafada Mosul ka tirsan ah.

Ninka Dilka geystay iyo labo nin oo kale oo hubaysan ayaa ku baxsaday gaadhi sida ay sheegayn ciidamada Boolisku.

Mid ka mid ah qaraabada Iyad Callawi Raysal Wasaaraha Ciraaq oo la yidhaahdo Intissar Calawi ayaa sheegtay in dilka Jarallah waa gabadha Musharaxadee ay ku lug leedahay Arrimo siyaasadeed " waxa jira qaar madax banaan iyo qaar xukuumada ka tirsan oo doonaya inay ka hor tagaan in Doorashada Guud isku soo sharaxdo " ayey tidhi Intissar Calawi

Doorashada Barlamaanka Ciraaq ayaa dhawr jeer dib u dhacday iyadoo Muran xoogan ka taagan yahay ku dhawaad 500 oo musharax oo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Ciraaq ka saaray Liiska Musharaxiinta kuwaas oo lagu eedeyey inay daacad u ahayeen Xisbigii Sadaam Xuseen ee Bacath, balse Maxkamada Racfaanka ayaa diiday go'aanka Guddiga Doorashooyinka iyadoo markaas Raysal Wasaaraha Ciraaq Noural Maliki uu isna sheegay inuu Golaha Barlamaanka u gudbin doono Dooda Musharixiinta la reebay