HOT NEWS
Written by boramanews    Monday, 08 February 2010 06:03    PDF Print E-mail
Al-Shabaab oo Hubkooda iyo Ciidankooda ka daad Gureynaysa Muqdisho

Dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ciidamadooda iyo Hubkoodaba ka daad gureenayaa Deegaanada ay ka joogayn Magaalada Muqdisho iyagoo ka cabsi qaba Dagaal la sheegay inay Xukuumadu waddo.

Sida uu Faafiyey Telefiishanka Iran laga leeyahay ee PressTv kooxda al shabaab waxay hubkoodii iyo gawaadhida Dagaaalkaba ka daad gureenaysa deegaanada ay ku xooganayaeen kadib markii ay maqlayn inay xukuumadu diyaarinayso dagaal kala bax ah oo ay doonayso inay ku qabsato magaalada Muqdisho.

Telefiishanka oo soo xiganayey xumin aan la magacaabin ayaa sheegay in la arkayey dhaqdhaqaaq xoogan oo Military oo ay Al-Shabaab ciidamadeeda kala baxayso Meelo ka mid ah Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile.

Telefiishanku wuxu intaa ku daray inaanay cidayn inay Al-Shabaab baqdin uga baxayso goobahaas ay haystayn iyo inay tahay Farsamo dagaal.

Dowlada Kumeelgaadhka ah ayaa balan qaaday inay dib u qabsan doonto Magaalada Muqdisho iyadoo ay jiran Ciidamo uu hogaaminayo Jeneral Morgan oo xuduudka Somaliya iyo Kenya jooga kuwaas oo iyagana la filayo inay dagaal kusoo qaadan Jubooyinka.

Waxa sidoo kale Gobolada Dhexe jooga Jeneral Galaal oo isaguna sheegay inuu Khibrad Ciidan ku biirinayo kooxda Ehlu Sunna oo taageerta Xukuumada dagaalna kula jirta Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.