HOT NEWS
Written by boramanews    Monday, 08 February 2010 06:31    PDF Print E-mail
Sirdoonka Denmark: Lacagta Qaadka kasoo Baxda Waxa lagu Maal-galiyaa Argagaxisada

Sirdoonka Danmark ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan PET ayaa maanta sheegey in lacagta kasoo baxda Qaadka lagu gado Danmark lagu fangareeyo kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ka dagaalama.

Dhinaca kale bileyka Xuduuda ilaaliya waxey sheegeen in ay sanadkii hore qabteen ugu yaraan 8 tan oo qaad(Jaad) ah.bileysku waxey kaloo sheegeen in sanadkiiba ay jaadka ka soo baxdo lacag dhan 73 milyan oo kronne una dhiganta in waxyar kayar 10 milyan oo Euro.

Warbixintaan ay maanta soo bandhigeen bileyska Sirdoonka Danmark PET ee ay ku sheegeen in Qaadka lagu maalgaliyo Argagixisada Soomaaliya,waxey kusoo beegantay iyadoo bilahaan ayjireen Soomaali loo xirey kiisas argagixiso iyo dilalba ama isku dey dil gudaha Danmark.

Qaadka(Jaadka) iyo Danmark:- Jaadku waa ka manuuc Denmark inkastoo maalin kasta lagu iibsho Denmark,Jaadka Denmark lagu cuno waxaa laga keenaa wadanka Holland isagoo soo mara wadanka Jarmalka.waxaana lagu soo galiyaa si qarsoodi ah.

Qofkii jaadka lagu qabto isagoo soo galinaya wadanka waa la xiraa inkastoo xarigiisu yahey mid basiid ah,qofkii lagu qabto hada isagoo cunaya ama wata jaad intuu doono ha le´ekaadee waa ganaax,balse qofkii iibinaya waa xarig aan saas u badneyn.

Qaadka laga cuno Sweden iyo Norway waa jaadka Denmark lagu iibsho.Sweden iyo Norway qofkii jaad lagu qabto waa ka ciqaab badan yihiin Danmark.
Jarmalka waa ka manuuc jaadku,qofkii lagu qabtona waa ka ciqaab kulul yahey Scandinavianka hadana maalin kasta waxaa soo mara boqolaal jawaan oo jaad ah oo loo wado Danmark kadibna loosii dhaafiyo qaarkiis Sweden iyo Norway.

Wadamada Holland iyo Ingiriiska jaadka caadi baa loogu iibshaa oo waa fasax.

Warbixintaan ay maanta soo saareen sirdoonka Danmark waxaa hubaal ah in isniinta bari ah ay siyaasiyiinta danmark si weyn uga hadli doonaan.taasina waxey kor usii qaadeysaa indhihii goonida ahaa ee lagu hayey Soomaalida Denmark bilahaan dambeba.

Ururada Soomaalida Danmark ayaa dhowrjeer xiriir lasameeyey bileyska iyo dowladaba sidii loola dagaalami lahaa qaadka oo fara kulul ku haya nolosha bulshada Soomaalida gaar ahaan dhalinyarada iyo qoysaskaba,mase jirin wax guul ah oo laga gaarey.

Ururuka Somali Network(Somalisk netværk) ee xaruntiisu tahey Copenhagen ayaa sanadkaan bilowgiisa bilaabey olole iyo wacyi galin uu kula dagaalamayo jaadka.